Tiirarka dhaqaalle ee magalada diri-dhaba waxa uu ku tiirsanyahay beeralayda, iyo xoolo dhaqatada miyiga, xoolaha oo kala gadisan sida adhiga oo kala ah riyo iyo ido, lo’ada, geela, dalagyada beeraha kasoo baxa miyiga magalada diri-dhaba waxa ugu badan waa hadhuudhka, galley, bunka, qaadka, sidoo kale khudaarta noocyadeeda kala duwan, dhibtu waxay tahayse waxay uu nugulyihin wax-soosaaradaasi isbadalka cimilada iyo rabitaan la’aanta siyaasadeed ee ka imaanaysa hogaanada magalada, waxay si ba’an uu wiiqday isbadalka cimiladu beeraha miyiga magalada ee u nugul aabaaraha soo noqnoqda.
Tiirarka dhaqaale ee magalada diri-dhaba sidoo kalle waxa ay ku tiirsanyahay, ganacsiga noocyadisa kala duwan ee deegaanada magalada ku haraaraysan is dhaafsadaan, addis ababa, harar, djabouti, sidoo kalle gegada dayuuradaha ee magaalada waxa uu bixiyaa duulimaadyada taga kana soo daga adis ababa iyo Djabouti, magalada diri-dhaba iyo magaalooyinka ku hareeraysa waxa u kala goosha basas yaryar kuwaas oo leh shacbiyad badan, waana ilaha dawlada kasoo gasho dakhli cashuureed oo miisaan leh. magalada diri-dhaba waxa ku yaala dhawr xaruumood oo ganacsi kuwa ugu waawayn waa laba taiwan iyo Qafiir.
sannadihi 1960-aadkii dhaqalaha magalada mid si xawli ah kor u kacay ayuu noqday, taas oo ay sababteedu ahayd dhabada tareenka e wakhtigaas, iyo soo ifbax warshado yaryar, kuwa dhaxdhaxaad ah, laga soo gaadho 1970 ilaa horaanti, taariikhdu 1990-meeyadi laga soo bilaabo dhaqalaha magaalda diri-dhaba waxa uu aad ugu tiirsana alaabta contaraband( kontarabaandhiga) ee ka imaanaysay wadamada jaarka ee djabuuti iyo somalia, inkasta oo oo ahayd ka ganacsiga aalaabaha kontrabandhiga sharci daro, haddana iyada ayaa ahayd halbowlaha nolosha, sagashanaadki marki ay hogaanga wadanka qabsatay dawladi EPDF waxa ay cadaadis saartay contrabandiga, waxayna aad isku dayday inay xuduudaha adkayso, wax way yaraysay, laakin ku ayna wada guulaysan, kadib waxa yaraatay kor u kaca ganacsiga magalada, diri-dhaba waa ay lumisay firfircoonideedi ganacsiga.
Magaalada waxay aad ugu horumartay dhaqaaalaha qaadka, sababtuna waxay tahay qaadka ugu muhimsan ayaa ka baxa itoobiya buuraha ku hareeraysan magalada diri-dhaba iyo harar, oo qiyaaski uu jirta 150km somaliland, suuqa qaadka ee wayn ee diri-dhaba waa chattera ( jaad-tarra) ganacsiga suuqan wakhti kasta waa uu furanyahay, habeen iyo dharar, ganacsiga qaadku waxa uu u yahay magaalada ilaha dakhli wanaagsan kasoo gallo.
Diri-dhaba waa magalada ugu badan ee cuna qaadka , kasoo ka yimaada magalada hawaday, waxayna ka mid tahay marka laga yimaado hawaday, waa magalada lagu iibiyo qaadka u badan ee soo go’a, waana magaallo dadka intooda u badan uu ganacsigoodu ku tiirsanyahay ka ganacsiga qaadka, dadka qaar waxay ku iibiyaan jidaadka socdaalka micnaha wadooyinka lagu maro cagta, diri-dhaba waa magalada uu badan ee uu maro qaadka socdaalka (transiist) waxa mara qaadka caalamiga, qaadka caalamigu waxa weeyi jaadka wadanka kaga gudbaaya si sharciga waafaqsan, dadka uu badan ee qaadka ka ganacsada waxay ay kasoo jeedaan deegaanka oromada ee hararge.
Magalada diri-dhaba waxa lagu sameeyay mudooyinki danbe maalgalin balaadhan, mid dadwayne iyo mid gaar loo leeyahayba leh, laga bilaaba aaga warshadaha ee malka jabti, sidoo kalle adeega caafimaadka oo aad loo horumariyay, waxa caafimaadka loogu soo adeeg doonta wadamada jaarka iyo waliba deegaanada ku hareeraysan magalada, waxan aad loo casriyeey wadooyinka magalada, sidoo kalle huteelada, goobaha bulshadu ku kulanto, taas oo soo jiidatay shucuubaha kalle
waxkabadalka dhaqaalle ee la filaayo waa rugta warshadaha ee magaalada (industrial park) waxay ku taal galbeedka magaalada, waxa laga hirgaliyay aag isku dhafan oo loo qalabeey habka ganacsiga caalamiga, wajigi koowaad waxa la dhamaystiray 2017 shirkada ka shaqaysa ee DDIP waxa la filayaa inay shaqaalisiso 68,000 oo qof.