Waa talo iyo waano aan sannado ka hor daawaday haddana aan dib u booqday. Waa waxsheeg shidaal u noqon kara naf isdhiibi rabtay adayga nolosha awgeed, ama waayaha cakiran ee ku dahaaran ama e naf ay ka gurtay rajooyin badan ay ifka ka qabatay hibooyin badanna ay ku dhex dhinteen. Isku soo duuboo waa hadal rugcadaa,talo iyo waxsheeg ka soo yeeray iyo iftiin gibil uu gaashaanto u noqon kara qof gabbal u dumay.
“Maalin wanaagsan, waxa da’aya roob. U kaadi. Waxa aan jeclaystay in aan dhalinyarada kala hadlo mawduuc ku saabsan hirgalinta qorshayaasha. Yaraantaydii, sida aad badi wada og tihiin malaha waxa aan ku soo qaatay nolol adag, laakiin taasi qiil u noqon mayso in aan waxba qabsan waayo. Qofku haddii uu ugu talo-galo wax waa uu qabsan karaa. Tusaale, sida aan horey idiinku sheegayba waxa aan ku noolaan jiray boostakaanada¹ baabuur wayn.
Waxa aan naftayda baray sida wax loo akhriyo waxna loo qoro. Marka, haddii aad yar tahay ha is dhiibin oo ha dhihin dunidani anigay iga soo horjeeddaa, ma aha fikir sax ah taasi. Isbaridaydaas kadib waxa aan daabacay shan buug. Waxa aan galay koleej, kadibna waxa aan ka qalinjabiyay Iskiriibjar² walow ay igu qaadatay wakhti badan. Waxaan koriyay 5 caruur ah. Waxaan aasay hooyaday, aabbahay, walaashay, walaalkay, xaaskaygii iyo gabadhaydiiba. Marka, qofku waa uu gaari karaa yoolka uu lee yahay.
Wakhti wakhtiyada ka mid ah si aan naftayda u cariyo, uguna qanciyo in aanan ruux jaahil ah ahayn, waxa aan soo gatay sabuurad madow. Kadibna waxaan iibsaday koorso Kombiyuutar borograamin ah—waana aan dhammeeyay, waliba sabuuraddaydii madoobayd aniga oo adeegsanaya. Marka, madaxa kor u qaad oo ha is dhiibin, ha joojin in aad waxbarato, isku day mar walba in aad hormariso naftaada, sababta oo ah marka aad sidaa sameyso arrimuhu waa ay is furfurayaan, wax hor leh baa aad baranaysaa, farxad iyo caafimaadna waa aad ka qaadaysaa. Waxaa jirta murti tiraahda, “haddii aadan adeegsan, waad lumin doontaa.”
Dhab ahaantii waa arrin xaqiiqo ah taasi. Haddii aadan maskaxdaada adeegsanna waa la mid, hadhow waxa aad is arkaysaa adigoo fadhi ku dangiiga oo eelku meesha uu kaa jiro garan`la. Marka, ha is dhiibin, haddii ay xaaladuhu adag yihiin iyo haddii ay wacan yihiin ba, hubaal labada midna lagu waari maayo. Laakiin si guud, annaga ayaa maamulna ciribdanbeedkeenna. Marka aan sidaa ku lee yahay, waxa aan uga jeedaa; haddii aadan horusocod lahayn, waa in aad la timaaddaa tab horusocodnimadaa kugu dhiirrisa. Tusaale; haddii aad doonaysid shaqo wanaagsan ama mustaqbal la isku halleyn karo waxa aad u baahan tahay in aad haysato wax aad ku gorgortanto oo aad miiska soo saari karaysid.
Kuma lihi PHD la soo shirtag ama Mastar digrii laakiin waa in aad haysataa wax aad ku keensan karto hiigsigaa sare. Waxa iman doonta wakhti, ugu yaraan dalkan, loo baahnaan doono dadka gacmahooda maala, sida; biyageliyayaasha, korontiistayaasha, faaradleyda, farayaamada, dablayaasha, makaanikyada—isku soo duuboo dadka gacmahooda maala ay noqon doonaan dheeman. Waa dhab, waxa aad u baahan tahay aqoon iyo carbin si aad u noqotid dhakhtar ama Injineer iyo wixii la halmaala.
Balse run ayaan kuu sheegayaa, waxa aan ku soo qaatay 60 sano shaqaalanimo, waan guulaystay, waxa aan asaasay dhowr ganacsi, ma ihi hantiile is nacay balse waxa aan ahay ninka ka soo bilaabay noloshiisa bostikaano yar heer uu u diyaariyay howlgab wanaagsan, maantana awood u yeeshay in uu farriintiisa idin soo gaarsiiyo.
Dhalinyaradeydaay, waan idin jeclahay, ayeeyday baa waxa ay oran jirtay “marka dhallaanku qoslo malaa’igtaa sacbisa.” Waana arrin run u dhow sida aan qabo. Dhalinyarooy waxa aad tihiin lafdhabarta dalkan, laf-dhabarta dunida, waxba igama gelin dalka iyo qaaradda aad ku nooshahay; Afrika, Eeshiya, Kuuriya, Jabbaan iyo carriga Maraykankaba e. Waxa aad tihiin hogaamimayaashii berri, hogaamimayaashii mustabalka, marka waa iga talo ee kor isu qaada hana ka baqina in aad waxaad doonaysaan baacsataan.”
Mahadsanidiin.