Sanjabiisha wuxuu ugu horreeysaa geedo daaweedyada, waxaana lagu isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixin caafimaadkeed laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.
Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaadey Faaiiidooyinkeeda:
- Waxaa la ogaaday in sanjabiisha uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa’ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano “Gingerol” oo ka faa’ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo. Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab’iye isku jiro!!!.
- Cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka, wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga, waxayna la mid tahay daawada “Asprin-ka” ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan, waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaama uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano “Digoxin” oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso, Waxay kaloo waasicisaa halbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyinks wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano “Vasodilators“, sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa’idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha.
- Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca, maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka, waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka, waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa in sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba, sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.
- Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga,
Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan. - Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa “lymphocytes-ka” loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa.
- Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka, waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha.
- Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.
- Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano “Prevacid“.
- Sanjabiilku waa xanuun baab’iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.
- Sanjabiisha waxay kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado. Sanjabiisha waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadallin.