Marka laga la hadlaayo curadnimada, waxaa la aaminsan yahay in dhalashada ilmuhu ay saameyn weyn ku leedahay shakhsiyaddiisa iyo noloshiisa, oo cilmi nafsigu waxa uu qabaa, in curadka, curad-ku-xigeenka, caruurta dhexe iyo guro-danbeyska, uu mid walbaa leeyahay astaamo, iyo dabeecado saameeya noloshiisa, iyo xeyndaabka bulsho ee ku hareereysan.
In aad tahay qof curad ah, waxa ay leedahay faa’iidooyin badan iyo khibrado gooni ah, oo ay ka qatan yihiin caruurta kaa yaryar, laakiin taas cagsigeeda, mar walba curadnimada ma ahan meel nasiib yaalo, oo curadnimada waxa ay leedahay culeysyo iyo cadaadisyo nololeed oo gaar ah.
Haddii aan ku hormarno dhanka toga nee curadnimada, wanaagyada ay leedahay in aad tahay ilme curad ah, waxaa ka mid ah:
- In aad caqli ahaan u qaangaareysid adiga oo weli da’yar, maaddaama aad adiga oo yar qeyb ka noqoneysid xalinta mushkiladaha qoyska, iyo ka ag-dhowaanshaha waalidka.
- In aad tahay ilme curad ah waxa ay ka dhigan tahay in adiga oo yar lagu siiyay kalsooni iyo korin dheeri ah, oo aysan heli doonin kuwa kaa yaryar, arrintaas oo keenaysa in aad nolosha u waajahdid si dadnimo leh, oo aad noqotid qof ku fiican waxbarashada, maaddaa habka laguu koriyay ay keenayso in aad noqotid qof dedaal badan.
- Mar walba oo ay caruurtu bataan, waxaa qeybsama daneynta (attention) waalidka, oo si siman ayaa caruurta loo siiyaa daryeel isku mid ah, laakiin ilmaha curad ka ah, maaddaama isaga oo keligii ah uu la noolaa waalidka, waxa uu yaraanta ku helaa koolkoolin aan lala qeybsaneyn.
- In aad tahay ilme curad ah, waxa ay sidoo kale ka dhigan tahay in aad tahay hoggaamiye dabiici ah, oo u diyaarsan in uu wax jiheeyo, sidoo kalena uu xalliyo mushkiladaha nolosha.
- Maaddaama ay ogaalka, khibradda iyo mushkilado xalintu dhisaan garashada qofka, in aad curad tahay waxa ay ka dhigan tahay in aad ka caqli badan tahay caruurta kale ee walaalahaa ah.
- Ilmaha curadka ahi, waa ilmo shaqo badan (task-oriented), oo jecel in uu wax xaqiijiyo, kaas oo weliba dadka ku hareereysanna ku dhiirrigeliya in ay guuleystaan.
Marka laga soo tago dhankaa wanaagsan, waxaa jira dhinacyo taban oo ay leedahay curadnimadu, waxaana ka mid ah:
- Qofka curadka ahi, waxa uu qaadaa culaysyo iyo masuuliyado, ka weyn da’diisa, arintaas oo keenta in uu nolosha la daalaa dhaco.
- Maaddaam ay cid walbaa rajeynayso in qofka curad ka ahi uu qof waxtar leh noqdo, tani waxa ay keentaa in uu curadku ka welwelo in uu ku fashilmo waxa laga sugayo, taas oo keenta in uu marar badan nolosha ku dareemo feker iyo baqdin joogto ah, oo uu mustaqbalka ka qabo.
- Curaddadu waxa ay dabiici ahaan u dhasheen in ay wax xaliyaan, waxaana ay jecel yihiin in ay guuleystaan, sidaas darteed waxa ay culays badan saaraan maskaxdooda.
- Qofka curadka ahi, waxa uu ku dedaalaa in uu noqdo qof si walba u hagaagsan (perfect), si uu waalidkiisa ugu qanciyo curadnimadiisa, arrintaas oo dhaawacda xasiloonidiisa ruuxeed.
- Maaddaama qofka curadka ah, isaga oo yar la saaro masuuliyad tiro badan, waalidkuna ay aad u dirsadaan, waxa uu noqdaa qof raalligeliye ah (people pleaser), oo aan laheyn shakhsiyad adag, iyo xeerar lama taabtaan ah.
- Qofka curadka ahi, isaga oo weli yar, ayaa uu qaadaa masuuliyad waalidnimo, waxaana uu wax ka koriyaa walaalihisa yaryar, taas oo keenta in uu makhraati ka noqdo walaalihiis oo helaya caruurnimo dhameystiran, oo uusan isagu wax badan ka soo dhadhamin.
- Inta badan, dadka curaddada ahi waxa ay ku mashquulaan xalinta arrimaha qoyska iyo mushkiladah dadka kale, taas oo ka dhigan in ay ilaawaan naftooda iyo riyooyinkooda.
- Qofka curadka ahi marka uu weynaado waxaa ku adkaata in uu yeesho saaxiibo badan, maaddaama uu la qabsaday in keligii ahaado, oo uu dhibaatooyinkiisa kelinnimo ku xaliyo.
- Qaar badan oo curaddada ka mid ahi, waxa ay nolosha ku daalaan iyaga oo weli dhalinyaro ah, waxaana ay bilaabaan in ay is dhiibaan, iyaga oo dhumiyay dhiirranaantii ay lahaayeen markii ay aadka u yaraayeen.
- Curaddadu waxa ay isku xiraan waxqabadka iyo jaceylka, oo maaddaama markii ay yaryaraayeen lagu shaqeyn jiray, waxa ay moodaan in aan la jeclaaneyn haddii aysan noqon dad waxqabad leh, arrintaas oo lid ku ah wada dhalashada, maaddaama ay muhiim tahay in la jeclaado qof walba oo qoys ka ka mid ah, waxtar ha lahaado ama yuusan lahaane.
- Qofka curadka ahi dadka ma weydiisto caawimaad, sababtoo ah waxa uu la qabsaday in mar walba isaga loo baahan yahay, taas oo ku kalifta in uu la aamuso mushkiladihiisa.
Marka la eego faa’iidooyinka iyo khasaaraha ku jira curadnimada, waxaa muuqata in fursadaha iyo nasiibka curadnimadu ay ka tiro yar yihiin culaysyada iyo masuuliyadaha curadka. Sidaas darteed, aad bey muhiim u tahay qofka curadka ahi, in uu ku baraarugsanaado naftiisa, dabeecaddiisa iyo waxa ka dhacaya hareerihiisa. Si uu iskaga ilaaliyo in uu naftiisa dulmiyo, isaga oo isi saaraya masuuliyad waalid oo uusan xaq u wada laheyn in uu qaado.
Aad bey u fiican tahay in uu qofka curadka ahi noqdo qof wax waxtar leh, si la mida sida ay muhiim ka u tahay in uu qof walba oo kale u noqdo qof waxtar leh, laakiin arrinta u baahan baraarugga ayaa ah in qofka curadka ahi uu naftiisa u naxariisto, oo uusan isi saarin hawlo uusan xanbaari karin.
Mahadsanidiin.