Jiritaanka bulshadu waa ka difaacida bulshada waxyaabaha jiritaankeeda halista ku ah oo hogaanka uu u yahay bur burka iyo dabar go’a bulshadaas. Bulsho dhan oo dhulkan saaran wax sahlan maahan inay saaxada dunida ka baxdo marka dhan kale laga eegana ilbiriqsi kuma dhama ina bulshadaasi ay quusanto ama dabar go’do.
Marka koowaad Bulsho kasta oo dunidaan ka jirta waxaa jira xidido dhulka ku haya. Waa marka labaade waxaa jira in xididadaasi ay si fudud ku siimi karaan, xididahaas haddii ay baxaana waad garan karaysaa geed xididada laga siibay xaalkiisa.
Haddii aynu tusaale usamayno: bulshada aad adigu hadda la nooshahay waxaa jira waxyaabo jiritaankeeda dhawraya,waxyaabahaas haddii la waayana bulshadaasi way bur buraysaa. Waxyaabaha bulshada jiritaankeeda dhawra waxaa ka mid ah:
- 𝘼𝙠𝙝𝙡𝙖𝙖𝙦𝙙𝙖 𝘽𝙪𝙡𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖: Bulsho ka mid ah bulshooyinkii dunidaan soo maray(Qowmu luud) waxaa dabar go,eeda sabab u ahaa inay ka tagtay akhlaaqiyaadkeedii iyo inay baal mareen awaamirtii illahay SWT. Ugu danbayntiina waxay dunida kaga faaruqeen qaab la yaab leh.
- 𝙞𝙨 𝙘𝙖𝙖𝙬𝙞𝙣𝙩𝙖: is taakulaynta bulshadu waa tiir ka mid ah tiirarka bulshada dhulka ku haya,haddii uu meesha ka baxana ay qasab tahay in bulshadaas la is waydiin doono meesha ay martay. Marka qof kasta oo bulshada ka mid ah uu dantiisa raacdo waxaa meesha ka baxaya danta guud,tanta guud markii laga dheeraado waxaa meesha ka baxaya is caawinta.
- 𝘼𝙢𝙣𝙞𝙜𝙖: markaad akhriso taariikhaha bulshooyinkii hore waxaad ogaanaysaa in amnigu ka qayb qaato jiritaanka bulshada,bulshooyinkii Amniga waayayna ay maalin cad ka dabar go,een adduunyada. Amniga waxa uu noqon karaa mid gudaha iyo mid dibada ahba, maxaa yeelay bulshadu markay dhexdeeda ka waydo wax Amni ah waxay bilaabaysaa inay u kala cararto bulshooyinka kale oo dariskooda ah. Markay waydo Amniga dibada ah waa sidoo kale oo kala carar ayaa u bilowda.
- 𝙆𝙖𝙡𝙨𝙤𝙤𝙣𝙞𝙙𝙖: Bulsho aan isku kalsoonayn dhanka: xukunka, ganacsiga, amniga iyo dhan kasta oo laga wada noolaan karo sidee ayay ku jiri karaysaa?
- 𝘾𝙖𝙙𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙖 𝘽𝙪𝙡𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖: cadaaladu waa udub dhaxaadka bulshada,waana tiirka bulshada hayn karaya haddii kuwa kale ay daciifaan. Waa innaga aragna mar walba iyada oo la amaanayo hogaamiyaasha cadaalada fala bulshada ay hogaanka u hayaana ay tahay Bulsho xoogan dhan walba. Sidoo kale dadka maalinta qiyaame illahay uu har siin doono iyadoon har kale jirin waxaa ka mid ah imaam caadil ah,marka xaggee ayay joogtaa bulshada uu hogaanka u hayo.
Bulshana meesha ay ka hagaagto waa hogaanka.