Waa maxay haddafka hasaawaha ?
Haddafka haasawuhu waa hadaf wayn oo aanu kaalintiisa qofka dhalinyarrada ahi dhaaddanayn. Waa xilli qofkasta ku gudajiro gaadhida mid ka mid ah ha go’aamadda noloshiisa ugu mihiimsan.
Ha ku baraarugsanaado ama yaanu ku baraarugsanaane, wuxu ku gudajiraa go’aankii uu ku dooran lahaa qofkii ay iska soo ag kici lahaayeen noloshiisa inta ka dhiman (haddii ay isku raagan); qofka ay qaab kasta iyo si walba isu qabanayaan.
Hadday dumar tahay, waxay dooranaysaa qofkii ay nolosheeda iyo tan ubadkeedaba ku aamini lahayd; aabbe ay ubadkeedu wax badan ka baranayaan kagana dayanayaan.
Haduu rag yahayna xilligan dooranayaa boqoradiisa iyo hooyadii ubadkiisa barbaarinaysay,ama wuxuu dooranyaa qof uu ka qoomaameeyo guursigeeda.
Kolka aad eegto muhiimadda haddafka gaar ahaan xilliga haasawaha uu leeyahay iyo sida micnadarrada ah ee ay dhallinta ku dhaafto,ee aad sidoo kalana eegto furriinka Faraha badan ee bulshade ka dhexjira,waxa kusoo baxaya xidhiidh wayn in uu ka dhexeeyo.
Haasaawihii Hore.
Waxaan jeclahay inaan is-barbardhig ku yara samayno nooc-haasaawihii miyiga,kii ka dambeeyay,iyo kan maanta, Sida uu u egyahay iyo waxa ay tahay in aan ka beddelno.
Haasawihii hore laba qaybood baan u qaybinaynaa:
- Hasaawihii magaalagalka la socday.
- kii hore ee miyiga.
Haddaad in yar u fiirsato habkii ay dhallintii hore ee soomaaliyeed ee miyaga joogay u haasaawi jireen, waxaad fahmaysaa in ay ka faa’iidaysashada mudada haasawaha ay si wacan u fahansanaayeen. waxay ahaayeen dhallinyaro muddo kooban hasaawda se muddadaa isku jarriba oo uu mid ba midka kale eego inta ay garashadiisu qodantahay, Iyo sida uu uga soo karo nolosha adag ee ay ku noolaayeen.
Kolka aad eegto inta yar ee ina ka soo gaadhey hal-xidhaaleyaashi ay isku jarribi jireen,waxaad ogaanaysaa haddafka hasaawe In uu ahaa ilaa xad mid lagu tilmaami mid hadafaysan (yool lahaa).
Hasaawihii Dhexe.
kolkii uu magaalku bilowday dadkuna ay magaalooyinka iyo tuulooyinka soo galeen, Waxay la kulmeen nolol aanay badi door ku lahayn oo aanay u baran. Noloshooda cusub waxay ahayd mid ay si habqan ah dadku isaga soo daba dhacayeen,hab nololeedkeeduna aanay meelna haysan. Muddadii magaalagalku bilowday ee dadku soo dhex galeen nolol aanay wax badan ka fahansanayn,ilaa laga soo gaadhi xiligii burburka ee qaxootiyada la galay,Hasaawuhu wuxu ahaa mid ka duwan kii miyiga ee hadafaysnaa (yool ka lahaa ). Ee loogu diyaargaroobayay nolol macnaheeda iyo taallaba la fahansanaa.
Waxa bilowday hasaawe magaalo haddana aan magaalaysnayn.wuxu ahaa, Hasaawe iska caadiya oo aan hadafaysnayn,kaasoo iskuullada (school) xaafedaha la isku sugo oo inta jardiinnade (kaabadaha) la isla fadhiisto hareero iska-eeg iyo yaan la ina arkin badi waqtigu qaato.
Haasaawaha maanta iyo sida ay muhiim u tahay inuu hadafaysnaado.
Haddaba,maanta iyadoo lagu jiro qarnigii 21-aad,oo ay oodafuranka (globalization) addyunyadii isu furatay, oo ay noloshii iyo hawlaheedii balaadheen,ayaad weli arkaysaa in dhallintu u haasaawayaan sidii xilliyadii dhexe loo hasaawi jiray ee iska caadiga ahayd.
Nooc-haasaawihii hore iyo habnololeedkii jiray way is-lahaayeen,habnololeedka maanta jira se weli waxaan ku wadnaa nooc-haasaawihii hore ee “gaaggaabayda” ahaa.!
Qofka maanta iyo qofkii shalay,qoyska maanta iyo qoyskii shalay,farqi wayn baa u dhexeeya noloshooda iyo waxa ay noloshu ka dalbanayso. Waxa is bedelay dadka baahiyohoodii, qiyamtoodii, qanaacaadkoodii, hab-fahannadoodii, mudnaan-siintoodii, nooc-barbaarintoodii, dhaqan-dhaqaaleedkoodii, heerkoodii waxbarasho, iyo guud ahaanba hab-nololeedkoodii.
Kolkaa, qofkii dhammaa ee aad nolosha dhan ee is baddeshay wadaagayseen ee is walba wax idiin dhex marayeen waa fahan-darro hadduu qofku xilligii haasawaha ee uu ku dooranayay uu iska noqodo mid uun u eeg kii shalay ee waxyaabaha caadiga ah laga wada sheekaysanayay. Haasaawaha maanta wuxu u baahanyahay in uu noqdo mid qorshaysan.
Mid aad garanayso waxa aad u baahantahay iyo waxa aad qofka kalana uga baahantahay. Waa in uu noqdo hasaawaha aad xog-xogaanayso in qofkan aad la sheekaysanayso uu yahay qofkii safarkaa dheer ee noloshan is wada beddeshay kula gali lahaa.sidoo kale,waa inaad soo jeedo oo aad hubiso in uu kugu habboonyahay,adiguna aad ku haboontahay.malahayga,waxaa qodobkan fahankiisa soo dhawayn kara tusaale ( anology ) la barbardhigi karaa noqon karaa shirkaddaha dadka shaqaalaysiiya.
Shirkaddu kolka ay kaalin shaqo ku soobanaanaato oo ay shaqaale u baahato, Waxay soo bandhigtaa booska bannaan ee ay doonayso in loo buuxiyo baahidiisa,dabadeedna waxay codsataa in qofku codsiga shaqada soo buuxiyo isla jeerkaasna soo raadiyo warqad ka turjumaysa waayo-arragnimadiisa (CV).
kolka ay kala shaandhaynta dadkii shaqada soo codsaday, qofka iyo labada ay sii xulatay waxay ka qaaddaa waraysi dhinacyo badan leh oo looge golleeyahay in shirkaddu isu eegto baahida ay u qabto ee ay doonayso in loo buuxsho iyo qofkan karaankiisa iyo xirfadihiisa in uu yahay qofkii kaalintaa u buuxin lahaa iyo in kale. Haddaba,kolkaa uu qofka doonayo in uu qof noloshiisa ku soo biiriyo, Waxaa sidaaso kale muhiim ah in uu eego qof kuu la hasaawaayo in uu yahay qof baahiyaha uu qabo buuxin karaya,waxa uh ku liitana ku wanaagsan.intaa marka uu hubiyo,waxa sidoo kale muhiim ah in uu eego in uu isaguna yahay qof buuxin kara baahiyaha qofka uu la hasaawayo, Iimaha uu qofkaasi leeyahayna uu isagu ka madhanyahay ama aqbali karo, Waayo hadii aan labadaa la is waafajin isku haboonaantii ayaa meesha ka baxaysa!
Haddaba haddafka waa lama huraan.
~Mahadsanid akhriste.