Sida aynu ka warqabno casrigan buugaagta waxa ay noqdeen wehelka iyo saaxiibka ugu wanaagsan ee uu qof yeesho, haddana kacaanka Tignoolajiyadeed ee aynu goobjoogga u nahay maanta waxay keentay in buugaagta loo beddelo qaab Elektaroonig ah, waxayna buugta u faafeen si aan horay loo arag, akhristayaasha iyo qorayaasha waxaa u fudud in ay si caadi ah u helaan buugaagtii ugu dambaysay ee la qoro, taasi waxay suuragelisay in shaashadaha taleefannada iyo kombiyuutarka toos looga akhristo buugta.
Kala doorashada buugaagta Elektarooniga(PDF) iyo kuwa waraqiga ah, waxay ku xirantahay dookha qofka, haddana dad badan ayaa ku wareera kala doorashada nooca u habboon ee uu wax ku akhrin karo ma PDF baa mise Waraqi?
Haddaba waxaan si kooban u dul-istaagaynaa waxyaabaha ay ku fiicanyihiin iyo kuwo aan ku wacnayn buugta pdf iyo waraqi.
Buugaagta Waraqiga ah iyo Waxay ku fiicanyihiin:
- Buugta waraqiga waa ay ka mashquul yaryihiin marka loo eego kuwa pdf-ka, ma jiro wax farriimo ah oo kuusoo dhacaya,caksiga moobilka iyo kombiyuutarka.
- Buugta waraqiga ah waxay noo suurageliyaan inaan dhowr qaybood u kala qaybino, calaamadayn iyo xariiqidba waan u isticmaali Karnaa.
- Buugta waraqiga ah waa la iibiyaa, waa la kala beddeshaa, waana la isu hadyeyn karaa.
- Buugta waraqiga ah indhaha way u sahlanyihiin oo lama dareemo daal iyo caajis.
Arrimo aan ku fiicnayn buugta waraqiga ah waxaa ka mid ah:
- Qiimaha la iibiyo buugta oo aad u sarreeya, kolka la barbardhigo kuwa pdf-ka ah oo si bilaash ah lagu heli karo.
- Waxa uu noqon karaa buug culus, taasi waxay meesha ka saaraysaa inaad halkaad doonto u qaadan karto.
- Haddaad habeenkii wax akhrinayso, waxaad u baahantahay iftiin/layr.
- Buugta waraqiga ah waxay u nugul-yihiin in ay si fudud u kala daataan, jeexmaan, ama hallaabaan haddii aanay helin daryeel joogto ah.
- Cinwaannada ama buugta qaar ee aad doonayso lagama helayo dalka, Sidaa awgeed waxaad ku khasbantahay in aad dibedda u dirsato.
Buugta Elektarooniga ah (PDF) waxay ku fiican yihiin:
- Buugta PDF-ka way ka yaryihiin qiime ahaan buugta waraqiga ah, inaad akhridana waxay kaaga xirantahay uun inaad meel taabato.
- Buugta PDF-ka waxay ku kala duwanyihiin farta(Font) lagu qoray, oo sahlaysa in si fudud loo akhriyo; sidoo kalena akhristayaasha waxay u suuragalinaysa in ay hal meel ku kaydsadaan kummanaan buug.
- Goob kasta iyo goor kasta buugga PDF-ka wuxuu diyaar kugu yahay taleefanka gacanta, ama kombiyuutarka.
- Degdegsiimo ayaad ku helaysaa, haddaad u baahato buug mowduuc gaar ah ka hadlaya, waqti kooban gudihiisa Tignoolajiyadda oo horumartay awgeed, waxada helaysaa toboneeyo buug oo isla mowduucaasi ka sheekaynaya.
Arrimaha aysan ku fiicnayn buugta PDF-ka waxaa ka mid ah:
- Indhaha uma roona, waxaa dhacda in mararka qaar uu qofku muddo saacado xiriir ah wax akhriyo isagoon dareemin saacadaha, taasi oo dhibaato ku keenaysa aragga qofka.
- Suuragal ma aha qofku in uu wax sii akhriyo haddii dabka uu ka dhamaado aaladda uu wax ku akhrinayo, ama si kale ay u xumaato.
- Buugaagta aad ku akhrinayso qalabka Elektarooniga, waxay ku dhaxalsiin kartaa in aad wax badan soo jeedo habeenkii sababtuna waxay tahay, iftiinka kulul ee kasoo baxaya shaashadda moobilka/Kombiyuutarka, waxay saamayn toos ah ku leedahay hurdada loogu talogalay qofka.
- Way adagtahay in aad kaydiso xogta aad akhriday; inta aad ku jirto akhrinta buug PDF ah waxay u badantahay inaad sii gasho baraha bulshada, si loo kaydiyo macluumaad , waxaa muhiim ah in qofku si qoto dheer wax u akhriyo, iskana ilaaliyo wixii mashquul ku furi kara.
Ugu dambayn waxaa muhiim ah in aynu ogaano in buugta Waraqi Ma PDF ay yihiin uun waxyaabo noo fududeeya in aynu wax akhrino,Sidaa awgeed waa in aysan naga mashquulin yoolkeenna ah in aan wax akhrino.
Adigu ra’yi ahaan midkee baa kula fiican buugaagta waraqiga ah ee daabacan iyo kuwa Elektarooniga ah(PDF)?
Mahadsanid.