Doqonnimadda ama (Doqomada) marka aan leenahay waxaan uga jeedna kuwa ku jira kaalinta mukalifinta ( مكلف ) , taa badalkeed waxaannu ka dheeraanaynaa inaanu wax ka sheegno dadka mukalifnimadu uu dhamaystirnayn, sababto ah qofku haddu mukalif ahayn oo uu dhamaystirnayn garaadkiisa dhaladka cibaadada ilaahayba waajib kuma ah , markaas waxa edeb daraba ah sababta aan uga laalaadmanayno, noole aan la dhalan garaadka dhaladka ah, ilaahayna waajibaad masuuliyadeed uu saarin.
Dabinka doqonimadda waa seero lagu dabo kuwaa ku jira juhdiga ay kaga xoroobi lahaayeen doqonnimadda samayska ah iyo jahliga, doqonimadu waa nolol xumo midda ugu xun ee uu qofku la noolaado, doqonnimadu waa xornnimo diid maskaxeed, doqonnimadu waa sababeeyaha xoorida xishoodka iyo ka sariigashada xumaanta, doqonimaddu waa abaanduulaha damiir la,aanta, doqonnimadu waxa ay uu hogaamisa qofka hunguriga iyada oo uu sababta in qofka uu hogaamiyo hungurigiisu ilaa uu qofku galaayo qabriga madoow, doqonnimadu aduunyada waxay ku dhaxalsiisa darxumo, aakhirana cadaabta ayay ku gaysaa sababto ah doqonimadu waxay sababta dulmi iyo cadaalad daro labadaasna ilaahay waa uu nacaa, waxa ilahay naco oo uu ka digana ciqaab baa lagu mutaystaa.
Doqonnimadu waa waxa baabiya bulsho iyo shakhsiba, shakhsiyaadka doqomaddu marka ay ka faalloodaan masiirka ummada waxa muuq baxaaya maqaamka iyo haybada ummadaas, goorta meelksta oo laga maamulo masiir ummadeed doqomaddu ugu codbataan waxa loosii dhawanayaa darxumo haybadeed, doqonka waxa masuul ka ah markasta garaadsamaha , waxana mudan in laga ilaaliyo waxa shaksiyadiisa dhibaaya iyo dhibta uu u gaysanaayo inta la nool ee tolka iyo ehelka yihin. doqonka hungurigiisa ayaa hogaamiya, masuuliyad kasta oo la saaro waxa uu ka dhax raadsada maslaxadiisa , doqonku maaha qof mabd’a la nool taas badalkeed waa mid adeege ah.
Doqommadu ma mudno maamuus !!
Maamuus inuu yeesho ma mudno doqonku, taas badalkeeda waa in la dareensiyo inu waxbaba la joogin, doqomaddu waxa ay uu afduubanyihin qancin cidkalle maaha ilaahay iyo naftooda, taasna waa waxa sababa inay waxay uu arkaan maad/qosol kusoo xariiqaan baraha bulshada, goobaha fadhiyadana ka yidhaahdaan wax maskax ma qaado ah, iyaga oo aan soo saarin waxani ma banaanyahay diin ahaan, waxanni ma ceebaa bulshada dhaxdeeda, mayanne waxan mayahay wax dhib gaysanaya, dhammaan weedhaas kuma soo dhacdo maankooga, aan ka ahayn dheh halaguu qosle, maahe iska dheh halagu hadalhaye.
Doqonnimadu waa inuu qofku caado ka dhigto dhaqannada ay tahay qofku inu ka sariigto, diinta iyo maskaxda caafimaadka qabtana farayaan qofka inuu ka dheeraado. noolayaasha noocaas waa mushkilada dhaqanka bulshada ina ay la noolyihin, laba xeer haddi lagula dhaqmo si dhaba ayay uu waantoobayaan labadaas xeer waa AAMUSNAAN, JAWAAB MALDAHAN. Markasta oo loo isticmaalla doqonka aamusnaan iyo hadal koobnaan waa markasta oo uu dhaqankiisa badalaayo, ta badalkeeda markasta oo la siiyo mudnaan u mudnayna waa markasta oo uu si fasahaadaayo, goorta doqonka la siiyo jawaab maldahan , aaminta oo uu ku dhawaaqo anshax xumo ama la yimaado ficil gurracan.
doqonnimada lafta hadday gasho wax suulin kara ma jirto, waxaad arki wadaad doqon ah, sidoo kalle waxaad arki hogaamiye doqon ah, waxaadna arki qoraa doqon ah, iyo waliba waayeel doqon ah, waxaannu uga danleenahay micnaha doqonnimadu derejo kasta waa ay joogta waana laga helaa, taasi waxa ay ka dhigantahay inay hebel wuxu yahay ka turjumayn geesinimadiisa iyo shakhsiyadiisa dhaladka ah, waxa laga baxa jaahilnimadda laakin lagama baxo doqonnimadda, doqonnimadda waxa maydha waa caqliga iyo inuu qofku uu hogaansamo anshaxa bulshadiisa kiisa wanaagsan ee diinta islaamku tiirka uu tahay, caqligiisu haddu fariin farin oo uu dhaqankiisa shaandhayn waxa samaysmaaya dabeecada doqonnimo, waana sababta qofku doqon u noqonaayo.
‘’ Doqonku waa doqon uun , waligi ha iska dhigo qof garaadsame ah marna dabcigisu ma dabco , jaahilkuna waa jaahil uun waligi haa iska dhigo nin ay aqoon ka da,ayso.’’