Kulanka sariirta marka la jooto waxaa jira wax yaabo badan oo naga caawin kara in dareemaheenu siyaado, si lamaanuhu u noqdaa kuwa ku kulma jawi isku dheeli tiran oo midba dhankiisa ka hamuun qabo misa u heelan-yahay la jooga lamaanihiisa. Maqaalkaan waxaan kugu wadaagi doonaa cuntiiyin si fudud loo heli karo hadana wax badan naga caawin xilliga kulanka sariirta waxana kamid ah:
- Toonta.
Toonta waxeey u wanaagsan tahay rabitaanka kulanka sariirta markii laga hadlaayo ragga dareenkooda ayada oo jiraan rag badan ka helo tamar kala duwan sababtoo ah doonta waxaa ku jiro maadooyin kor uqaado rabitaanka dareenka galmada.
- Qaraha.
Sidoo kale Qaraha sida wada ognahay wuxuu kamid yahay cuntooyinka ugu wanaagsan ee kullanka sariirto asaga oo la sheego xitaa inuu udhigmo kaniinka viagro sababtoo ah Qaraha waxaa ku jiro maado lagu magacaabo ” citrulline ” taaso awood uleh inay kordhiso xadiga dhiigga qulqulka gaaraayo xubintaada taranka.
- Ukunta.
Ukunta waxaa ku jiro buritiino kala duwan iyo fatamiino badan sida fatamiin-B6 iyo fatamiin-B5, fatamiinadaan waxaa la sheegaa ina la dagaalmaan hormones ka isku buuqa iyo walwalka. Cunista ukunta oo la joogteeyo waxeey kaalin mug leh ku leedahay rabitaanka kulanka sariirta.
- Mooska.
Moosku wuxuu kamid yahay cuntooyinka ugu wanaagsan ee la isticmaalo subaxdii hore markii lasoo kaco, sidookale Mooska waxaa ku jiri macdan potassium taasoo hoos udhigto xadiga milixda cuntooyinka aan qaadano…
Sababtoo ah milixda waxeey hoos udhigtaa qulqulka iyo isku socodka dhiigga gaaro xubinta taranka iyo kacsi la’aanta ragga sidoo kale milixda waxeey keentaa dimbiryo.
- Basbaaska.
Basbaaaka waxaan wada ognahay inuu kamid yahay geed kuleel aad u nafaqo badan waxaana ku jira basbaaska Faa’iidooyin tiro badan gaar ahan waxaa ku jirto maado lagu ma gacaabo ” Capsaicin ” oo ah basbaaska maadada kululeyso maadadan waxeey soo daysaa hormone ka ” endorphin ” kaas ah hormone kordhiyo kacsiga.
- Kalluunka.
Kallunka sida aan wada ognahay wuxuu hodan ku yahay ama ka buuxo maadada ” ‘ Omega-3, taasoo ah maado faa’ iido badan uleh jirka bani-aadamka iyo maskaxdiisa, Sidoo kale waxaa jiro qeybo kamid ha kallunka oo ka qeyb qaato kulanka sariirta iyo rabitaanka galmada sida” salmon,, sardines iyo kalluunka nuuca tuna waxeey u wanaagsan yihiin caafimaadka galmada, Waxaa wanaagsan qofka inuu isbuucii 3 mar uu isticmaal kallunka nuucyadiisa kala duwan.
Mahadsanid.