- Garoobta guursigeeda waa sunnadii Nabiga sallalaahu calayhi wasallam uu ku billowday (Khadiijo), Markii uu dhimanayey wuxuu qabay 8 garoob ah iyo 1gabar ah,Taasi waxay ku tusaysaa sirta guusha weyn ee ku jirto guursiga garoobka.
- Garoobtu waxay ku dedaalaysaa in aanan mardanbe la furin si ay u ilaaliso sumcaddeeda dadka dhexdiisa iyo ehelkeeda si aanan loo dhihin waa naag xun waxa markasta loo soo furayo ayey qabtaa.
- Garoobta waxay ka tanaasushaa waxyaabo badan waxayna wanaajisaa macaamilka ninka cusub waxayna niyadda ku haysaa qofka mu’minka ah laba jeer god lagama wadaqaniino xikmaddii ahayd.
- Garoobtu waa naag diyaarsan oo soo aragtay dhaqan, Soona baratay habaynta guriga, karinta cuntada, Is nadiifinta iyo isqurxinta taasoo aysan u sahlanayn gabadha.
- Garoobtu waa naag khibrad leh, Haysata shahaado guur, Aqoonna u leh guurka iyo waxa uu yahay kasbanayso ninkeeda cusub kana digtoon furriin labaad.
- Garoobtu wey ka kharash yartahay gabadha dhan walba waxayna soo aragtay dhibaatada garoobnimada waxayna raadinaysaa in la dhaho un waa xaas oo waa laqabaa.
- Garoobtu wey kasoo jiidasho badantahay, Kana hadal macaantahay, Kana caraf badan tahay, Kana deeqsisantahay, Kana waayo aragsan tahay gabadha.
- Garoobtu waxaa ay habeenkeeda u hibayn kartaa xaaska lala qabo si ay u soo jiidato jecaylka iyo qadarinta ninkeeda.
- Garoobtu guurkeeda waa uu ka sahlan yahay midda gabadha, Haddii ay hanti leedahay waxay ugu deeqeysaa guurkeeda si uu u najaxo, Haddii aysan hanti laheynna waxay ka tanaasulaysaa xuquuq badan oo ay lahayd si uu u najaxo guurkeeda labaad.
- Saxaabada iyo taabiciinta Allaha kawada raalli noqdee waxay isku ciriirin jireen albaabada garoobada si ay u helaan sirta ku jirta guushaasi. Alle markii uu arkay tartankooda wuxuu soo dejiyey aayad quraan ah oo uu ku leeyahay suga inta ay ciddada uga dhamaanayso. Maasha allah.
Yaan la moogaanin fursaddaas uu Nabi Muxamed Sallalaahu Calayhi wasallam ku najaxay, Xidid badanna ku yeeshay. Saxaabadda iyo taabiciintana uga wada faa’iidaysteen.
Mahadsanid.